Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in askari kamid ah ilaalada gaarka ah ee wasiirka ammaanka DF-ka uu fal kufsi ah ugeystay gabar 12 sana jir ah.
Askariga kufsiga gaystay ayaa isku dayay in uu dilo gabadha balse si kedis ah ayay falkaas uga badbaaday, dhacdadan ayaa si aad ah ayaa looga hadal hayaa xarunta gobolka Galguduud.
Odayaasha iyo waxgaradka magaalada Dhuusamareeb oo falkan ka dhiidhiyay ayaa warbaahinta u sheegay in askariga kufsiga geystay uu kamid yahay ciidamada ilaaliya Max’med Abuukar Isloow wasiirka ammaanka.
ILaalada gaarka ah ee Waziirada, Xildhibaanada Iyo Madax-da Dowladda Ridada Federaalka ayaa caan ku ah Kufsiga joogtada ah ee ay kula dhaqaaqaan Goobaha Shisheeyaha iyo Daba dhilifyadooda duulaanka kaga suganyihiin Konfurta Iyo Bartamaha Dalka Somalia.