Howlgal gaar ah oo Mujaahidiinta Al-shabaab gelinkii dambe ee maanta ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay askari ka tirsanaa maleeshiyaadka murtadiinta.
Howlgalka ayaa galabta si gaar ah uga dhacay deegaan weynaha Ceelasha-biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana Allaah fadligiis lagu khaarajiyay murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Shiine oo ahaa askari ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in murtadka galabta lagu dilay deegaanka Ceelasha biyaha uu ka mid ahaa murtadiinta sida wayn dhibaatada ugu hayay dadka muslimiinta ee ku dhaqan duleedka Muqdisho.