Howlgal gaar ah oo ciidanka mujaahidiinta Al-shabaab ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose ayaa lagu khaarajiyay murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Aweys Ibraahim Isaaq, kaasi oo ahaa dharcad ka tirsanaa jawaasiista sirdoonka Riddada.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada mujaahidiintu howlgallo qorsheysan ka wadaan deegaannada wilaayada Hiiraan, kuwaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka murtadiinta ee duullaanka ku ah ku dhaqanka shareecada islaamka.
Saacadihii lasoo dhaafay waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal kula wareegeen deegaan lagu magacaabo Mooro-erri ee duleedka degmada Moqokori ee bariga wilaayada Hiiraan, halkaas oo ay talis kulahaayeen maleeshiyaadka Riddada, waxaana lagu dilay dagaalkaasi 8 askari, halka lagu dhaawacay 12 kale.