Wararka naga soo gaaraya wilaayada Sh/dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Mujaahidiinta ay weerar xoogan ku qaadeen Kolonyo ciidamo gaallo ah oo ku socdaalayey wadada u dhexeysa degmada Balcad iyo deegaanka Gololeey sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta.
War kooban oo aan ka helnay taliska Mujaahidiinta ayaa lagu xaqiijiyey in Mujaahidiintu ay cagta mariyeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsanaa kuffaarta Afrikaanta kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka sameynayey halkaasi.
Taliska Mujaahidiinta ayaa noo sheegay in weerarkaas lagu gubay ugu yaraan saddex gaari ah oo ay ku jiraan gawaari dagaalka, halka sidoo kalena uu mid kale si dirqi ah kaga baxsaday goobta.
Ilaa hadda inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 10 askari oo ka tirsan ciidamada kuffaarta Afrikaanta, waxayna sidoo kale Mujaahidiintu soo ganiimeysteen hub iyo rasaas fara badan oo uu cadowgu ka cararay.