Maleeshiyaatka Dowladda Federaalka ayaa gaariga ay la socdeen Dad shacab ah si ula kac ah ugu rasaaseeyay Wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Balcad ee Wilaayada Shabeelada dhexe.
Maleeshiyaatka Kooxda Ridada ayaa gaarigan sigaar ah ugu rasaaseeyay agagaarka Tuulada Masal-masaleey oo ah Tuula dhacda wadada isku xirta Balcad iyo Magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay Rasaastan waxaa ku geeriyooday Saddex Ruux oo uu ku jira Darawalkii gaariga waday, Waxaana ku dhaawacmay Tiro kale oo qeyb ka ah Shacabkii la socday gaarigaasi.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa Xilli Saacadihii lasoo dhaafay Maleeshiyaatka Maamulka Ashahaado la dirirka Isku magacaabay Jubbo Land wiil Dhalinyo oo shacab ah si bareer ah ugu dileen gudaha Magaalada Kismaayo,
Askari Murtad ah oo ka tirsan Maleeshiyaatka Murtad Axmed Madoobe ayaa si bareer ah rasaas ugu furay Wiilka dhalinyada ah kadib markii Wiilkaasi uu diiday inuu Bixiyo Lacag Baad ah oo askariga Murtadka ah uu weydiistay.