Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey dagaal culus ku qaadeen mid ka mid deegaanada ciidamada Kufaarta Kenya ay kaga suganyihiin gobalka Jubbada hoose oo ka tirsan Wilaayada Jubbooyinka.
Ciidamada Mujaahidiinta waxey dagaalkan culus sigaar ah ugu qaadeen saldhiga Saliibiyiinta Kenya ay ka sameysteen deegaanka Qooqaani ee Jubbada hoose.
Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, Iyadoo dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.
Dadka deegaanka waxey warbaahinta u xaqiijiyeen in dagaalka uu ahaa mid xoogan islamarkaana ay jirto khasaara kala duwan oo askarta Saliibiyiinta Kenya lagu gaarsiiyay dagaalkaas.
Dagaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Saliibiyiinta Kenya oo qeyb ka ah Kufaarta kusoo duushay dalka Somalia.
Calamada.com