Madaxda maamul goboleedyada Riddada ah ee Jubbaland iyo Puntlabd, ayaa si wadajir ah magaalada Garowe ugu qabtay shir jaraa’id, waxayna si wayn u dhaliileen nidaamka uu madaxa u yahay murtad Xassan Gurguurte.
Murtad Deni ayaa tilmaamay in isaga iyo dhiggiisa Madoobe ay ka heshiiyeen khilaafkii muddada dheer dhexyiillay, taasoo ka dhigan in mucaaradnimada kala dhaxaysa kooxda Gurguurte ay xoojin doonaan.
Deni iyo Axmed Madoobe waxay si isku mid ah u sheegeen in xaaladda ay ku sugan tahay kooxda Riddada Soomaaliya ay tahay mid halis ah, waxayna ka wada dhawaajiyeen in kulankan uu horudhac u yahay kulamo kale oo laga soo saari doono go’aamo ka dhan ah kooxda Villa Somalia.
Kulanka Garoowe ugu soo dhamaaday Axmed Madoobe iyo Deni ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda siyaasadeed ee kooxda Riddadu meel xasaasi ah ay marayso, muddo xileedka Xassan Gurguurtena ay ka harsan tahay bilo qura, waxaana la saadaalinayaa in Garoowe noqon doonto halka laga abaabulo mucaaradka ugu xooggan ee uu wajihi doono Xassan Sheekh.