Warar horu-dhac ah oo goor dhawayd soo baxay ayaa sheegaya in gebi ahaanba uu burburay shir la doonayay in la isugu soo dhaweeyo Murtadiinta kala ah Xasan Sheekh Gurguurte iyo Axmed Madoobe oo maalinnimadii shalay ka furmay magaalada Kismaayo.
Kulan habeennimadii xalay si fool-ka-fool ah la isugu soo hor-fadhiisiyey labada hor-jooge ee Gurguurte iyo Madoobe ayay wararku tibaaxayaan in lagu kala kacay, kadib markii la isku af-garan-waayay xal-ka-gaarista qodobbadii khilaafaadku ay ka taagnaayeen.
Sida ay wararku sheegayaan kulan kale ayaa la isugu soo laabtay aroortii hore ee saaka, kaas oo isna la xaqiijiyey in lagu kala booday, isla markaana uu kusoo idlaaday natiijo la’aan. Waxaanay xogtu tilmaamaysaa in Murtad Gurguurte oon dheg la qabto lahayni uu goor dhawayd u duulay dhinaca magaalada Muqdisho.
Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Gurguurte ayaa lagu qiray in uu soo idlaaday socdaalkiisi magaalada kismaayo iyadoona lagu caddeeyay in wax natiijo ah aysan kasoo bixin wadahadallada balse waxaa lagu yiri wada-hadallada dib ayaa laysugu soo laaban doonaa, lama sheegin cidda dib isugu soo laabanaysa, goobta laysugu soo laabanayo iyo waqtiga laysku laabanayo.
Arrimahan ayaa bannaanka soo dhigay in shirkaasi guuldarro kusoo dhammaaday balse illaa iyo hadda waxaa la sugayaa war kasoo baxa dhinaca Axmed Madoobe.
Teliyeyaasha sirdoonnada dowladaha saliibiyiinta ah ee Kenya iyo Itoobiya oo shalay ilaa Xalay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa si wayn uga soo shaqeeyay kulannadan fashilmay ee la iskugu soo hor-fadhiisiyey labadan qawsaar ee Gurguurte iyo Madoobe.
Khilaafkan sii xoogaystay ee ka dhex aloosan maamullada Muqdisho iyo Kismaayo ayaa imanaya xilli dhawaan magaalada Nairobi lagaga dhawaaqay isbahaysi ballaaran oo ka dhan ah qorsheyaasha Gurguurte, kuna midaysan yihiin maamullada Puntland, Jubbaland iyo golaha mucaaradka ee la baxay madasha samatabixinta.