Kulan ay shaley golaha dawaaqiida ridada ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayey ku sheegeen inay meel-mariyeen Dastuur gaaleedka kooxda Riddada ee cusub kaasoo ay ku badaleen kii hore.
Arrintaasi ayaa abuurtay khilaaf iyo buuq horleh oo ka dhex aloosan mucaaradka iyo kooxda ridada ee Xasan Gurguurte, waxaana durbo arrintaasi ka horyimid oo kasoo horjeestay golaha mucaaradka ee “Mustaqbalka oo ay qeyb ka yihiin Puntland, iyo Jubaland.
Bayaan kasoo baxay mucaaradka ayaa lagu sheegay inuu waxba kama jiraan yahay Dastuurka ay maanta ansixiyeen Baarlamaanka Riddada.
Murtad C/Raxmaan C/Shakuur oo ka tirsan mucaaradka ayaa u sheegay warbaahinta mowqifkooda ku aadan Dastuurka uu Baarlamaanka Riddada ansixiyey.
Waxaa maalinba maalinta ka danbeeysa cirka isku shareeraya khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya murtadiinta. xilli muddo dhan laba bilood ay u harsan tahay Xasan Gurguurte oo mudde xileedkiisa uu dhamaad yahay.