Golaha dawaaqiidda ee dawladda Riddada Jabuuti ayaa shalay dabarkii u dambeeyey ka furtay madaxweynaha dalkaasi murtad Ismaaciil Cumar Geelle, kadib markii ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen wax-ka-beddel ay ku sameeyeen dastuur-gaalleedka ay samaysteen oo meesha looga saaray xaddidaaddii dhinaca da’da ee tilmaamaysa in qof ka weyn 75 sano uusan madaxweyne u tartami karin.
Murtad Ismaaciil Cumar Geelle oo haatan da’diisa lagu sheegay 77 sano jir, ayuu isbeddelkani u sahlayaa in mar kale uu isku soo sharrixi karo doorashada madaxtooyada ee dalka Jabuuti, taas oo qabsoomiddeeda la sheegay in loo asteeyey bisha Afraad ee 2026.
Wakaaladda Wararka AFP ayaa sheegtay in isbeddelkani uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo xukuumadda Jabuuti ay ku doonayso in ay ku cusboonaysiiso nidaamka doorashooyinka, inkastoo mucaaradka iyo ururrada sheegta inay u dooddaan xuquuqda aadanaha ay tallaabadan ku tilmaameen mid lagu sii adkaynayo xukunka Murtad Geelle oo talada haya tan iyo 1999-kii, xilligaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ahaa madaxweynihii u horreeyey ee dalka Jabuuti.
Afhayeenka Baarlamaanka dalkaasi murtadka lagu magacaabo Dilleyta Maxamed Dilleyta oo ah nin kasoo jeeda qoomiyadda Canfarta, ayaa difaacaya isbedelken loogu danaynayo Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanu tilmaamay inuu yahay mid lama huraan u ah wax uu ku sheegay ilaalinta xasiloonida gobolka.
Sidoo kale madaxweynaha Jabuuti ayaa dhowaan sheegay in isbeddelka dastuurka uu muhiim u yahay wax uu ku sheegay xasilloonida iyo horumarka qaranka, balse dhaleeceyn xooggan ayaa kasoo yeertay dhinacyada mucaaradka oo ku doodaya in arrintani ay meesha ka saarayso tartan siyaasadeed oo xor ah.
Horaantii sanadkan, wareysi uu siiyay majaladda Jeune Afrique (Jeenafriik), Geelle ayaa si cad u sheegay in aysan qorshaha ugu jirin inuu xukunka ka tago. Waxaanu isagoo arrintan ka hadlaya uu yiri “Waxa kaliya ee aan kuu sheegi karo ayaa ah in aan dalkayga aad u jeclahay, taasoo aanan u oggolaanayn in aan galo tallaabo aan laga fiirsan oo keeni karta kala-qaybsanaan.”
Isbeddelkan ayaa la rumeysan yahay inay dhabbaha u xaarayo in Murtad Geelle uu mar-lixaad isku caano-shubo kursiga madaxtooyada, oo muddo fara badan uu kusoo amar-ku-taaglaynayay, isagoo dhibaatooyin ay ka mid yihiin dil, dhac, xarig, caga-juglayn iyo masaafurin ku hayay shacabka muslimiinta ah ee reer Jabuuti.