Wadeyaasha mooto Bajaajta ee ka howlgala magaalada Jowhar ee xaruunta gobolka Sh/dhexe, ayaa maanta sameeyay isku soo bax ka dhan ah maamul goboleedka ashahaada la dirirka Hirshabeelle, kaasi oo lacago baad ah kusoo rogay.
Isku soo baxa ayaa ka dhacay bartamaha magaalada, waxayna bajaajleydu halkaasi kaga dhawaaqeen shaqo joojin, gelinkii hore ee maanta ayaana si wayn guud ahaan magaalada looga dareemay shaqo joojinta ay sameeyeen wadeyaasha mooto Bajaajta.
Halku dhigyo ka dhan ah maamulka Riddada ee uu hoggaamiyo murtad Cali Guudlaawe ayay ku dhawaaqayeen wadeyaasha, sawirro iyo muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay mudaaharaadkii maanta dhacay, cabashadooda ayay ku sheegeen inay la xiriirto lacago baad xad-dhaaf ah oo uu dul-dhigay maamulka Riddada ee ka jira magaaladaasi.
Waxay tilmaameen inay horay u bixin jireen lacago baad ah, haddana loogu daray lacago kale oo aysan bixin karin, waxay tani qayb ka tahay dhibaatada ay maamullada Riddada ah ee ay saliibiyiintu dalka ka dhisteen ku hayaan gaadiidleyda iyo ganacsatada ku nool magaalooyinka ay haystaan.