Isku soo baxyo ka dhan ah dhul-boobka uu caasimadda ka wado madaxa kooxda Riddada Somalia, murtad Xassan Gurguurte ayaa maanta ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Shacab aad u careysan oo ka cabanaya dhul-boob kooxda Riddadu ka wado xaafadaha Coca-cola iyo Eeneeyo ee magaalada Muqdisho, ayaa isugu soo baxay waddooyinka waawayn ee xaafadahaasi, waxayna halkaasi ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan dhul-boobka lagu hayo.
Muuqaallo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa muujinayay ciidamo kooxda Riddada Somalia usoo hubeysay difaaca dhul-boobka, ayaa la arkayay iyaga oo rassaas nool nool la dhacaya shacabka careysan ee dareenkooda muujinayay.
Dadka isku soo baxyada sameeyay ayaa la wareegay waddooyin muhiim ah, waxayna jidadkaasi ku jareen dhagxaan, iyagoona ku gubay taayirro, halku-dhigyada ay ku cel-celinayeen waxaa ka mid ah (Xassan tuug_doonimayno).
Waxay tani qayb ka tahay tallaabooyinka ay dadka rayidka ah kaga soo hor-jeedaan dhul-boobka xarka goosadka ah ee ay madaxda Riddadu ka wadaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.