Magaalooyin dhaca waqooyiga, bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, ayaa maanta waxaa ka dhacay isku soo baxyo ballaaran oo ka dhan ah Yahuudda, ka dib markii maamulkaasi uu dal madax bannaan u aqoonsaday qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Magaalooyinka isku soo baxyadu ka dhaceen waxaa ka mid ah Laascaanood oo dhacda waqooyiga Soomaaliya, waxaana halkaas isugu soo baxay dadyow aad u fara badan oo diiday aqoonsiga maamulka Yahuudda uu siiyay maamulka Riddada ee fadhigiisu yahay Hargaysa.
Sidoo kale waxaa isku soo baxyo kuwaas la mid ah ay maanta ka dhaceen magaalooyinka Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia, magaalada Muqdisho oo ah magaalo madaxda dalka, magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, magaalada Xudur ee Bakool iyo magaalada Marka ee Sh/hoose iyo magaalooyin kale.
Dibadbaxyadan ballaaran ee maanta ka dhacay waqooyiga, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee lagu diidan yahay qorshaha Yahuuddu ku kala qaybinayso dadka Soomaaliyeed, ayaa kusoo beegmaya xilli dibadbaxyo ka dhan ah aqoonsiga maamulka Somaliland ka dhaceen gobolka Awdal oo ka mid ah gobollada uu gacanta ku hayo maamulkaasi, waxayna shacabka ku dhaqan Boorama sheegeen inay la dareen yihiin reer Falastiin.
Dhanka kale, maamulka Riddada ah ee Somaliland, ayaa lasoo wariyay in ay afduubteen wariye ka mid ahaa dadkii tabinayay bannaanbaxyada ka dhanka ah Yahuudda ee ka dhacay magaalada Boorama.