Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Barakac Ka Bilowday Degmada Dhuusa Mareeb Iyo Dagaal Laga Cabsi Qabo.
  • Allposts
  • Warar

Barakac Ka Bilowday Degmada Dhuusa Mareeb Iyo Dagaal Laga Cabsi Qabo.

August 29, 2019

Waxaa cirka iskusii shareeraya xiisadihii colaadeed ee maalmahan ka jiray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Saacado kadib markii hoggaanka Kooxaha hubeysan ee Suufida uu iclaamiyay dagaal ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya ayay colaad hubeysan ka bilaabatay Dhuusamareeb.

Wararka ka imaanaya Galgaduud ayaa sheegaya in dibad baxyo iskasoo hor jeeda ay maanta ka dhaceen fagaarayaasha waaweyn ee magaaladaasi, boqolaal qof oo taageeysan Suufida ayaa isugusoo baxay waddooyinka magaalada waxayna ku dhawaaqayeen Erayo ka dhan ah dowladda.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in taageerayaasha Suufida ay aad uga badnaayeen kuwa dowladda taageersan ee iyana dibad baxyada ka dhigayay waddooyinka Dhuusamareeb waxaana arrintaas loo sababaynayaa maamulka magaalada oo wali gacanta ugu jira kooxda Macalin Maxamuud.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Suufida ay qoryaha daba jeexa loo yaqaan ay dul saareen xarumaha ay ku leeyihiin Dhuusamareeb waxaana magaalada laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Dowladda Federaalka ayaa boqolaal askari gaysay magaalada waxaana la saadaalinayaa in haddii uu dagaal dhaco laga itaal roonaan karo kooxda suufida oo laga haysto garoonka diyaaradaha iyo waddooyinka muhiimka ah ee magaalada soo gala.

Ciidamo isugu jira boolis,Nabad sugid iyo Melleteri oo maalmihii lasoo dhaafay diyaarado lagu gaynayay xarunta gobolka Galguduud ayaa helay gaadiid iyo saanado hub ah taas oo sare usii qaadday cabsida laga qabo in ay dagaallo dhacaan.

Qaar kamid ah qoysaskii deganaa magaalada Dhuusamareeb ayaa durbadiiba bilaabay in ay isaga barakacaan guryahooda kadib markii ay xiisadaha colaadeed bilaawdeen, barakacayaasha ayaa ubaqoolay dhanka deegaannada Mareer Guur iyo Guriceel.

Wasiirka arrimaha gudaha DF-ka ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in aysan ka bixin heshiiskii ay lagaleen kooxda suufida, Afhayeen u hadlay maleeshiyaadka Macallin Maxamuud ayaa isna ugu baaqay shacabka magaalada Dhuusamareeb in ay galaan heegan si ay isaga difaacaan wax uu ugu yeeray soo duulayaasha.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Faahfaahin Laga Helayo Dagaallo Ka Kala Dhacay Duleedyada Jowhar Iyo Buulo Burte.
Next: Weeraro Lala Beegsaday Saraakiil Oo Ka Kala Dhacay Banaadir Iyo Hiiraan.

Related Stories

Xasan Sheekh Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka.
  • Allposts
  • Warar

Xasan Sheekh Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka.

October 4, 2025
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -12-04-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -12-04-1447 Hijri.

October 4, 2025
Weeraro Khasaare Lagu Gaarsiiyay Maleeshiyada Gurguurte Oo Ka Dhacay Baay Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Warar

Weeraro Khasaare Lagu Gaarsiiyay Maleeshiyada Gurguurte Oo Ka Dhacay Baay Iyo Sh/hoose.

October 4, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)

September 22, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)

September 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)

September 6, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 30 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 30 aad)

August 31, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada