Rag ka tirsan ciidanka Mujaahidiinta ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen gudaha magaalada Baladwayne ku khaarajiyay sarkaal sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Maamulka ashahaado la dirirka ah ee Hir/Shabeelle.
Weerarkan waxa uu si gaara kaga dhacay bariga magaalada Baladwayne waxaana lagu khaarajiyay murtad magaciisa lagu soo koobay Bilig Bilig kaas oo ka mid ahaa saraakiisha maleeshiyaadka murtadiinta gaar ahaan kuwa macawiilayda loo yaqaan.
Murtadka ay Mujaahidiintu khaarajiyeen ayaa dhibaato xooggan ku hayn jiray shacabka ku dhaqan deegaannada gobolka Hiiraan, waxaana sidoo kale uu ahaa guddoomiye deegaan oo hoos taga maamulka Ridada gobolka Hiiraan.
Dilka sarkaalka ka dib waxa goobta soo gaaray maleeshiyaad ka tirsan Murtadiinta kuwaas oo iska caabin xooggan kala kulmay Mujaahidiinta, waxaana maleeshiyaadkii gurmad ahaa halkaasi looga dhaawacay 3 askari.
Weerarkan waxa uu ku biiraya weerarada jihaadiga ah ee ka socda gobolka Hiiraan kuwaas oo lagu ugaarsanaayo saraakiisha iyo maleeshiyaadka koooda Ridada Somalia iyo kuwa Jabuuti ee Hiil gaalo.
Calamada.com