Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Soomaaliya…Talaabo Waqtigeeda Ka Soo Hormartay (WARBIXIN).
  • Allposts
  • Warar

Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Soomaaliya…Talaabo Waqtigeeda Ka Soo Hormartay (WARBIXIN).

March 2, 2017

Itoobiya Xabasho4565Dhaarinta madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” todobaadkii la soo dhaafay waxay wadooyinka magaalada Muqdisho kala kulantay mowjado rajo ah oo muujinayey in uu dhashay waabari cusub oo xasilooni ku soo dabaali kara wadanka.

 

Si Aqlabiyad leh ayuu ugu guuleystay xukunka laakiin xaqiiqdu waxay tahay in doorashada iyo xafladii caleema saarka lagu qabtay meel amaankeeda si aad ah loo adkeeyey oo ka tirsan garoonka diyaaradaha oo ay ilaaliyaan ciidamada AMISOM.
Garoonka ay xafladan ka dhacday ayaa ku yaalla magaallo dhowrjeer si isdaba joog ah u martigelisay qaraxyo iyo weeraro kaga yimid kooxda Jihaadiga ah ee Al-Shabaab, waxayna taasi ku tuseysaa halka uu gaarsiisan yahay culeyska howsha uu wajahayo Farmaajo.

Warbixintii ugu dambeysay ee hay’adda The International Crisis Group ICG waxaa lagu yiri: Farmaajo wuxuu ka faa’ideystay in uu iska dhigo qof loo arko hogaamiye saxan oo dhisaya ciidamo Qaran oo xoogleh, oo soo dadajinaya bixitaanka ciidamada AMISOM, xasilinaya wadanka, xadidaya faragelinta wadamada deriska ah, sidoo kalena ilaalin kara sharafta iyo madax-banaanida Soomaaliya.
Balse Amaanka Soomaaliya waxaa laf dhabar u ah 22-ka kun ee ka socda Isbaheysiga AMISOM. Waxay Soomaaliya joogaan muddo toban sano ah, Iyagoo la dagaalamaya Al-Shabaab, sidoo kalena caawinayey dowlada Soomaaliya.
AMISOM waxaa hadda lagu wadaa in ay bilowdo la bixitaanka ciidankooda marka la gaaro bisha October ee sanadka soo socda, waxaana la filayaa in ay si dhameystiran wadanka kaga baxaan marka la gaaro December 2020-ka xilligaas oo la filayo in amaanka dalka ay ku wareejiyaan ciidamada Soomaaliya oo cadadkooda la gaarsiin doono 20,000 oo askari.
“AMISOM kaligeed ma jabin karto Al-Shabaab” ayaa lagu yiri warbixin sanadkii la soo dhaafay uu baahiyey machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage. “Tani waxay dhici kartaa haddii AMISOM ay garab iyo wada shaqeyn ka hesho ciidamo Soomaali oo awoodleh” ayaa lagu yiri warbixinta.
Laakiin “ciidamada qaranka Soomaaliya” ayaa ah ciidan uu hareeyey dhibaatooyin badan oo uu ka mid yahay musuq-maasuqa, tabardarada iyo in aanan laga jecleen meelaha ka baxsan caasimada.

Francisco Madeira oo ah wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa Wakaaladda wararka ee IRIN u sheegay in ay ka warhayaan taxadiyaatkaas hortaagan dhismaha ciidanka Soomaaliya. “Dhisida awoodda ciidamada Soomaaliya waa mid udub dhexaad u ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana arintaas ku bixineynaa awoodeena tan ugu wanaagsan” ayuu yiri.
“Bixitaan ciidamada AMISOM ay baxaan sanadka 2020-ka wuxuu noqon doonaa mid waqtigiisa ka soo hormaray” ayuu yiri: Christian Ani Ndubuisi oo ah baaxith ka tirsan machadka daraasaadka amniga.
Ciidamada ugu xoogan ee AMISOM waxay ka soo jeedaan wadamada Uganda, Ethiopia, Kenya iyo Burundi. Mushaarka iyo dhaqaalaha ciidankan waxaa bixiya midowga Yurub, taageerada Logistic-da ahna waxaa bixiya Qaramada Midoobey. laakiin ilaa hadda ma helin diyaarado Helicopters ah oo ay aad ugu baahan yihiin, dhowrjeerna dalbadeen.
Waxaa sidoo kale hadda jira dhibaato ba’an oo ka dhex taagan sufuufta dowladaha qeybta ka ah AMISOM kuwaas oo ku goodinayey in ay ciidamadooda la bixi doonaan Soomaaliya tan iyo markii midowga Yurub uu jartay labaatan boqolkiiba (20%) mushaarkii lagu bixin jiray ciidamada AMISOM bishii January ee sanadkii 2016-ka.
Tani waxay hoos u riday mushaarkii Askariga AMISOM oo markii hore ahaa $1,028 wuxuuna hadda noqday $822.
Marka midowga Africa uu ku calaacalayo in askartooda ay ku dhiigbaxayaan Soomaaliya, Reergalbeedkuna uu bixinayo lacag oo kaliya, waxaa midowga Yurub ay iyagana isku difaacayaan: “Waxaa jira howlgalo kale oo nabad ilaalin ah oo ka jira Qaarada oo u baahan taageero sida Afrikada dhexe, Mali iyo Chad.
“AMISOM waxay sanadkan u dabaal degi doontaa sanadkeedii tobnaad. Midowga Yurub oo ah Maalgeliyaha ugu weyn ee duulaanka Soomaaliya-na ma hayo wax natiijo ah, mana arko iftiinka Kanaalkii la qodayey tobankii sano ee la soo dhaafay” sidaas waxaa yiri Thierry Vircoulon oo ah Agaasimaha Bartamaha Africa ee hay’adda ICG. “Midowga Yurub hadda diyaar uma ahan in uu maalgeliyo howlgal kale oo nabad ilaalin oo aan dhamaad lahayn sida UN-ka oo kale” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Laakiin midowga Africa weli wuxuu ku baaqayaa ciidamo dheeraad ah si loo wiiqo Al-Shabaab ka hor inta aanan la gaarin sanadka 2018-ka xilligaas oo ay sheegeen in ay bilaabi doonaan qorshaha bixitaanka. 16-kii bishii January waxay golaha amaanka ee QM ka dalbadeen in la ansixiyo 4,500 oo askari oo dheeraad ah.
“Waan soo afjarnay qorshaha lagu soo celinayo meelihii ugu muhiimsanaa ee ay Al-Shabaab ka joogtay Soomaaliya gaar ahaan Jubada hoose sidaas darteed si howshan loo qabto waxaan u baahanahay ciidamo dheeraad ah oo nala qaban doona howshan muddo lix bilood oo kaliya, ka dibna aan ciidanka ku soo celino cadadkii uu ahaa” ayuu yiri Madeira oo ah wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya.

 

Isha Warbixinta: Wakaaladda IRIN.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Weerar Xoog Ku Gal Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Kaabul.
Next: Dhageyso Sheekh Xasan Yacquub Oo Ka Hadlay Xaalada Gobalka Galgaduud.

Related Stories

Dowladaha Itoobiya Iyo Eritrea Oo Eedaymo Hor Leh Hawada Isu Mariyey.
  • Allposts
  • Warar

Dowladaha Itoobiya Iyo Eritrea Oo Eedaymo Hor Leh Hawada Isu Mariyey.

August 13, 2025
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -19-02-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -19-02-1447 Hijri.

August 13, 2025
Shaki Laga Qabo In Uu Burburo Wadahadallada U Dhaxeeya Mucaaradka Iyo Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Shaki Laga Qabo In Uu Burburo Wadahadallada U Dhaxeeya Mucaaradka Iyo Gurguurte.

August 13, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)

July 5, 2025

Sawirro

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada