Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Soomaaliya…Talaabo Waqtigeeda Ka Soo Hormartay (WARBIXIN).
  • Allposts
  • Warar

Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Soomaaliya…Talaabo Waqtigeeda Ka Soo Hormartay (WARBIXIN).

March 2, 2017

Itoobiya Xabasho4565Dhaarinta madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” todobaadkii la soo dhaafay waxay wadooyinka magaalada Muqdisho kala kulantay mowjado rajo ah oo muujinayey in uu dhashay waabari cusub oo xasilooni ku soo dabaali kara wadanka.

Si Aqlabiyad leh ayuu ugu guuleystay xukunka laakiin xaqiiqdu waxay tahay in doorashada iyo xafladii caleema saarka lagu qabtay meel amaankeeda si aad ah loo adkeeyey oo ka tirsan garoonka diyaaradaha oo ay ilaaliyaan ciidamada AMISOM.
Garoonka ay xafladan ka dhacday ayaa ku yaalla magaallo dhowrjeer si isdaba joog ah u martigelisay qaraxyo iyo weeraro kaga yimid kooxda Jihaadiga ah ee Al-Shabaab, waxayna taasi ku tuseysaa halka uu gaarsiisan yahay culeyska howsha uu wajahayo Farmaajo.

Warbixintii ugu dambeysay ee hay’adda The International Crisis Group ICG waxaa lagu yiri: Farmaajo wuxuu ka faa’ideystay in uu iska dhigo qof loo arko hogaamiye saxan oo dhisaya ciidamo Qaran oo xoogleh, oo soo dadajinaya bixitaanka ciidamada AMISOM, xasilinaya wadanka, xadidaya faragelinta wadamada deriska ah, sidoo kalena ilaalin kara sharafta iyo madax-banaanida Soomaaliya.
Balse Amaanka Soomaaliya waxaa laf dhabar u ah 22-ka kun ee ka socda Isbaheysiga AMISOM. Waxay Soomaaliya joogaan muddo toban sano ah, Iyagoo la dagaalamaya Al-Shabaab, sidoo kalena caawinayey dowlada Soomaaliya.
AMISOM waxaa hadda lagu wadaa in ay bilowdo la bixitaanka ciidankooda marka la gaaro bisha October ee sanadka soo socda, waxaana la filayaa in ay si dhameystiran wadanka kaga baxaan marka la gaaro December 2020-ka xilligaas oo la filayo in amaanka dalka ay ku wareejiyaan ciidamada Soomaaliya oo cadadkooda la gaarsiin doono 20,000 oo askari.
“AMISOM kaligeed ma jabin karto Al-Shabaab” ayaa lagu yiri warbixin sanadkii la soo dhaafay uu baahiyey machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage. “Tani waxay dhici kartaa haddii AMISOM ay garab iyo wada shaqeyn ka hesho ciidamo Soomaali oo awoodleh” ayaa lagu yiri warbixinta.
Laakiin “ciidamada qaranka Soomaaliya” ayaa ah ciidan uu hareeyey dhibaatooyin badan oo uu ka mid yahay musuq-maasuqa, tabardarada iyo in aanan laga jecleen meelaha ka baxsan caasimada.

Francisco Madeira oo ah wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa Wakaaladda wararka ee IRIN u sheegay in ay ka warhayaan taxadiyaatkaas hortaagan dhismaha ciidanka Soomaaliya. “Dhisida awoodda ciidamada Soomaaliya waa mid udub dhexaad u ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana arintaas ku bixineynaa awoodeena tan ugu wanaagsan” ayuu yiri.
“Bixitaan ciidamada AMISOM ay baxaan sanadka 2020-ka wuxuu noqon doonaa mid waqtigiisa ka soo hormaray” ayuu yiri: Christian Ani Ndubuisi oo ah baaxith ka tirsan machadka daraasaadka amniga.
Ciidamada ugu xoogan ee AMISOM waxay ka soo jeedaan wadamada Uganda, Ethiopia, Kenya iyo Burundi. Mushaarka iyo dhaqaalaha ciidankan waxaa bixiya midowga Yurub, taageerada Logistic-da ahna waxaa bixiya Qaramada Midoobey. laakiin ilaa hadda ma helin diyaarado Helicopters ah oo ay aad ugu baahan yihiin, dhowrjeerna dalbadeen.
Waxaa sidoo kale hadda jira dhibaato ba’an oo ka dhex taagan sufuufta dowladaha qeybta ka ah AMISOM kuwaas oo ku goodinayey in ay ciidamadooda la bixi doonaan Soomaaliya tan iyo markii midowga Yurub uu jartay labaatan boqolkiiba (20%) mushaarkii lagu bixin jiray ciidamada AMISOM bishii January ee sanadkii 2016-ka.
Tani waxay hoos u riday mushaarkii Askariga AMISOM oo markii hore ahaa $1,028 wuxuuna hadda noqday $822.
Marka midowga Africa uu ku calaacalayo in askartooda ay ku dhiigbaxayaan Soomaaliya, Reergalbeedkuna uu bixinayo lacag oo kaliya, waxaa midowga Yurub ay iyagana isku difaacayaan: “Waxaa jira howlgalo kale oo nabad ilaalin ah oo ka jira Qaarada oo u baahan taageero sida Afrikada dhexe, Mali iyo Chad.
“AMISOM waxay sanadkan u dabaal degi doontaa sanadkeedii tobnaad. Midowga Yurub oo ah Maalgeliyaha ugu weyn ee duulaanka Soomaaliya-na ma hayo wax natiijo ah, mana arko iftiinka Kanaalkii la qodayey tobankii sano ee la soo dhaafay” sidaas waxaa yiri Thierry Vircoulon oo ah Agaasimaha Bartamaha Africa ee hay’adda ICG. “Midowga Yurub hadda diyaar uma ahan in uu maalgeliyo howlgal kale oo nabad ilaalin oo aan dhamaad lahayn sida UN-ka oo kale” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Laakiin midowga Africa weli wuxuu ku baaqayaa ciidamo dheeraad ah si loo wiiqo Al-Shabaab ka hor inta aanan la gaarin sanadka 2018-ka xilligaas oo ay sheegeen in ay bilaabi doonaan qorshaha bixitaanka. 16-kii bishii January waxay golaha amaanka ee QM ka dalbadeen in la ansixiyo 4,500 oo askari oo dheeraad ah.
“Waan soo afjarnay qorshaha lagu soo celinayo meelihii ugu muhiimsanaa ee ay Al-Shabaab ka joogtay Soomaaliya gaar ahaan Jubada hoose sidaas darteed si howshan loo qabto waxaan u baahanahay ciidamo dheeraad ah oo nala qaban doona howshan muddo lix bilood oo kaliya, ka dibna aan ciidanka ku soo celino cadadkii uu ahaa” ayuu yiri Madeira oo ah wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya.

Isha Warbixinta: Wakaaladda IRIN.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Weerar Xoog Ku Gal Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Kaabul.
Next: Dhageyso Sheekh Xasan Yacquub Oo Ka Hadlay Xaalada Gobalka Galgaduud.

Related Stories

Dhagayso Muxaadaro Ku Saabsan Fadliga 10-ka Dambe Ee Ramadaan Iyo Sh Fu’aad.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Muxaadaro Ku Saabsan Fadliga 10-ka Dambe Ee Ramadaan Iyo Sh Fu’aad.

March 10, 2026
Dhagayso Xalqada 12-aad Taxanaha Siirada Nabiga Oo Ay Ku Sugan Yihiin Duruus Iyo Cibar.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Xalqada 12-aad Taxanaha Siirada Nabiga Oo Ay Ku Sugan Yihiin Duruus Iyo Cibar.

March 9, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-09-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-09-1447-Hijri

March 9, 2026

Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada