Wararka ka imanaya gudaha dalka Itoobiya ayaa sheegaya dagaallo qaraar oo si weyn loogu hoobtay oo maalmihii u dambeeyey ciidanka Xabashida Itoobiya iyo Kooxda hubaysan ee Fano ku dhex-maray deggaanno ka tirsan koonfurta gobolka Amxaarada.
Dagaalladan oo xooggoodu ay dhaceen talaadadii shalay iyo Isniintii kasii horreysay, ayaa lagu dilay in ka badan 100 askari oo ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya, halka in ka badan 150 askri oo kalena lagu dhaawacay, sida lagu shaaciyey bayaan kasoo baxay Jabhadda Fano.
Waxa kale oo Fano ka dhawaajisay in gebi ahaanba ay jebiyeen, khasaare culus-na ay gaarsiiyeen ciidan ay dawladda federaalku usoo dirtay aagga Shewa, kuwaas oo isugu jiray ciidamada Komaandooska, maleeshiyaad lasoo abaabulay iyo ciidamada Cirka ee dawladda Xabashida Itoobiya.
Ugu yaraan 4 jiho ayay wararku tibaaxayaan in dagaallada xooggoodu ay ka dhaceen, waxaana ka mida jiidda Wejed, oo uu ka dhacay dagaal culus oo dhegta dhiigga loogu daray taliyihii ugu sarreeyey ee watay ciidankii dawladda ee ka dagaallamayay aaggaasi, kaas oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Gaari Tola (Gaarii Toolaa).
Muddadii ay dagaalladani socdeen, waxay maleeshiyaadka Fano la wareegeen deggaanno muhiim ah, iyagoo fashilyey weerar rogaal-celis oo ay soo sameeyeen ciidanka Xabashida Itoobiya, kaas oo mar kale ay la kulmeen dhabar-jab aad u xooggan, sida uu shaaciyey Wargeyska Borkena.
Dagaalladan uu dhiigga badan ku daatay oo in ka badan 2 sano ka socda gobolka Amxaarada, ayaa kusoo aadaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan guud ahaan qolqolatooyinka ka aloosan gudaha Itoobiya, isla markaana maamullada Addis Ababa iyo Asmara ay qarka u saaran yihiin in uu ka dhex-qarxo dagaal culus oo labada dhinacba ay ku hoobtaan.