Murtad Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaridka ah ee Muqdisho ayaa dhaliil u jeediyay Guddiga Doorashada dhawaan uu magacaabey murtad Xasan Sheekh.
Cabdiraxmaan ayaa Guddiga ku sheegay qaar hal dhinac ah, isla markaana si jujuub ah u diwaangelinaya ardeyda Jaamacadaha Muqdisho.
“Guddigu wuxuu ugu hanjabay jaamacaddii ka biya diidda go’aankooda in ay tillaab ka qaadi doonaan iyagoo adeegsanaya ciidanka ammaankana.” Ayuu yiri
Isbahaysiga Mucaaridka ayaa dhawaan soo saarey warqad ay ku cambaareynayaan hab maamulka Xasan Sheekh. Farmaajo ayaa isagu si gaar ah oo ka duwan u soo saaray qoraal lagu dhaliilayo kooxda Riddada ee Xassan Sheekh.
Kooxda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ayaa doonaysa in ay qabtaan doorasho lagu sheegay Qof iyo Cod, taas oo ay xuseen in ay bilaabeen diwaangalinteeda.