Madaxweynaha maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland, Murtad Cabdi Raxmaan Cirro ayaa mar kale qaaday tallaabo tooshka ku ifineysa xiriirka sii kordhaya, ee uu maamlkiisu la leeyahay gumeystaha Yahuudda.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Murtad Cirro ayaa lagu shaaciyay in uu safiir u magacaabay dhulka ay Yahuuddu gumeysiga ku hayaan, islamarkaana ay kasoo maleegaan dhagaraha lagu hayo shacabka reer Filistiin.
Xuseen Aadan Cige oo ah afhayeenka maamulka Cirro oo akhrinayay wareegtada kasoo baxday xafiiska, ayaa sheegay in Maxamed Cumar Xaaji loo magacaabay safiirka maamulka Cirro u fadhiya deegaanada Yahuudda.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Cabdi Raxmaan Cirro uu qorsheynayo in bisha March uu safar ku tago deegaanada Yahuuddu ixtilaalaan, taas oo dhalisay hadal hayn siyaasadeed.
Dhankeeda, war kasoo baxay Wazaarada Arrimaha Dibadda Yahuudda, oo lagu daabacay barta Twiter-ka, ayaa lagu ansixiyay magacaabista safiirka Somaliland, iyadoo Wazaaradu sheegtay in arrintan ay qeyb ka tahay tallaabooyinka lagu xoojinayo cilaaqaatka ka dhexeeya labada maamul.
Wazaarada Dibadda Yahuudda ayaa dhanka kale sheegtay in ay safiir u fadhiya deegaanadda Somaliland ay soo magacaabi doonaan, taas oo noqonaysa tallaabo kale oo muqdi gelinaysaa midnimada Soomaaliya.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo madaxweynaha Yahuudda uu ku sugan yahay geeska Africa, isaga oo maalinimadii shaley kulamo la qaatay Ra’iisul Wazaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Isku soo wada duubo, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa daba socda go’aankii guracanaa ee uu maamulka Yahuudda 26 December ee sanadkii hore uu ku aqoonsaday maamulka Ridada Somaliland, kaas oo mudo badan ku taamayay in uu ka go’o Soomaaliya inteeda kale.