Weerar qorsheysan oo Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen gudaha Degmada Afgooye ee Wilaayada Shabeelada Hoose waxey ku beegsadeen Sarkaal ka tirsan Maamulka Ridada ee Degmada Afgooye.
Sarkaalka ay beegsadeen Ciidamada Mujaahidiinta ayaa lagu magacaabaa Cali Xuseen Barqash kaasi oo ah Gudoomiye Waaxeed ka tirsan Degmada Afgooye, Waxaa Sarkaalkan soo gaaray Dhaawac culus.
Dhanka kale Qarax ayaa ka dhacay Gudaha Degmada Jowhar ee Wilaayada Shabeelada Dhexe, Waxaa qaraxa uu sigaar ah kaga dhacay Saldhig Maleeshiyaatka Maamulka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Hirshabeelle ay ka sameysteen Xaafadda Horseed ee degmada Jowhar.
Saddex askari oo ka tirsan Maleeshiyaatka Maamulka Gaala raaca Hirshabeelle ayaa ku dhaawacmay kuwaasi oo la xaqiijiyay iney dhaawacyadooda culusyihiin, Sidoo kale burbur xoogan ayaa soo gaaray Saldhigaasi.
Calamada.com