Weerar loo adeegsaday istish-haadiyo ayaa barqonimadii maanta lala beegsaday kolonyo uu la socday taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir ugu magacaaban dowladda Ridada federaalka, xilli uu marayay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Jugta camliyadda oo si wayn looga maqlay xaafadaha caasimada Muqdisho, waxaa si dirqi ah kaga badbaaday Farxaan Qaroole oo ah taliyaha booliska Ridada gobolka Banaadir, u jeedkuna ahaa in lagu khaarajiyo.
Weerarka waxaa fuliyay geesi ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab kaas oo gaari uu kaxeynayay ku beegsaday kolonyada taliyaha, taas oo gaystay khasaare xoog leh.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in qaraxa uu ka badbaaday Farxaan Qaroole, balse ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ilaaladiisa.
4 askari oo ka mid ahaa ilaalada taliyaha booliska waa dhimasho halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen camaliyadda kuwaas oo ka mid ahaa ilaalada Farxaan Qaroole.
Camaliyaddan Itsih-haadiyada ah waxay kusoo beegmaysaa xilli toddobaad ka hor halyey ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab uu weerar istish-haadi ah la beegsaday goob isku imaatin u ahayd saraakiil iyo askar ka tirsan dowladda federaalka oo kutaal magaalada Muqdisho, halkaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 37 isugu jirta saraakiil, askar iyo shaqaale ka tirsan dowladda Ridada.
Halkan Kaga Biir Boggeenna Cusub Ee Telegram-ka.
Calamada.com