Webiga Shabeelle ee mara gobolka Hiiraan, ayaa maalmihii u dambeeyay la tagay dhowr caruur ah sida ay sheegeen dadka deegaanka, waxaana hadda baadi-goob loogu jiraa qaar ka mid ah caruurtaasi.
Dad aan ka yareyn ilaa shan caruur ah, ayay wararku sheegayaan in muddo saddex maalmood ah uu webigu kula tagay degmada Beledweyne ee Hiiraan, mid ka mid ah caruurtaasi ayaana la sheegay in maydkiisa la helay.
Mid ka mida caruurta webiga ku dhacay ee la baadi-goobayo, ayaa magaciisa lagu sheegay Mubaarak Cabdiraxmaan Maxamuud, walaalkiis oo warbaahinta kula hadlay webiga, ayaa sheegay in wiilkooda aysan raq iyo ruux toona ku haynin.
Dhanka degmada Buulo-burte waxay wararku sheegayaan in webiga uu la tagay afar caruur ah oo walaalo ah, kuwaas oo wararka qaar ay sheegayaan inay geeriyoodeen.
Tirada guud caruurta ku dhacday webiga Shabeelle ee mara magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo-burte saddexdii maalmood ee u dambeeyay ayaa lagu sagaal qof, kuwaas oo shan ka mid ah la sheegay inay ku dhaceen qaybta uu webigu ka maro Beledweyne, halka 4-ta kalena ay ku dhaceen Buulo-burte.