Mareegta islaamiga ah ee Calamada, waxay dhammaan akhristeyaasha iyo dhageytayaasheeda iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka ugu hambalyeynaysaa munaasabada Ciidul Fidriga oo ka mid ah ciidaha Allaah uu ku maneystay adoomadiisa muslimiinta ah.
Sidoo kale waxaan Allaah SW weydiisaneynaa inuu naga aqbalo soonkii,Qiyaamkii,Sadaqadii,Qiraa,adii Quraanka iyo guud ahaan acmaashii wanaagsanayd ee aan soo sameynay bisha Barakeysan ee Ramadaan oo si toos ah aan u sagootinnay saacado ka hor.
Markale website-ka Calamada waxa uu dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta caalamka ugu hambalyeynayaa munaasabada Ciidul Fidriga.