Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen difaacyada ciidamada dowlada Ridada Jabuuti ay ka sameysteen degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan.
Saldhiga sida gaarka ah ciidamada Shabaabul Mujaahidiin u weerareen ayaa ah saldhiga ciidamada Jabuuti ay ka sameysteen Buundada degmada Buulo burte.
Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin badan oo ka tirsan gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Dagaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli Saddex maalin ka hor qarax ka dhacay gudaha degmada Jalalaqsi dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen Tobaneeyo ka tirsan askarta Jabuuti.
Calamada.com
masha allah