Dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala gudaha dhulalka muslimiintu leeyihiin balse Kenya xoogga ku haysato iyo ciidamo ka tirsan kuffaarta Kenya ayaa ka dhacay gobolka Laamu, halkaas oo si wayn loogu jabiyay kuffaarta Kenya.
Dagaallada ayaa yimid markii ciidamada mujaahidiintu dagaal culus kala hortageen ciidamada Kuffaarta Kenya oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday duleedka deegaanka Maangaay ee gobalka Laamu, waxaana la xaqiijiyay in tiro 3 jeer ka badan dagaalka lagu jabiyay ciidamada kuffaarta Kenya.
Dhanka kale, ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xero ciidan oo kuffaarta Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Kenya ay kaga suganyihiin buundada deegaanka Sabiid ee dhacda duleedka degmada Afgooye.