Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala Gudaha Dalka Kenya iyo Dhulka NFD ee ay Kenya Gumeysata ayaa Weerar qorsheysan ku qaaday Deegaanka Haluuqa oo hoostaga Magaalada Gaarisa oo ka tirsan Dhulka ay Kenya Xooga kaga heysata Somalia.
Ciidamadii Saliibiyiinta Kenya ee ku sugnaay Magaalada Haluuqa ayaa isaga cararay halkaasi kadib markii ay Ciidamada Mujaahidiinta ay Magaalada dhinac kasoo galeen.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Magaalada Haluuqa waxeyna Burburiyeen Xarunta magaaladaasi ay ku leedahay Shirkada Safaari Com oo ah shirkad ay leedahay dowladda Saliibiyadda Kenya.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa sii kordhiyay Weerarada ka dhanka ah Dowladda Kenya ee ay ka fulinayaan gudaha Dalka Kenya iyo Dhulka ay Kenya xooga kaga heysata Somalia.
Calamada.com