Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Sh/dhexe, ayaa gooedhow si nabad galyo ah kula wareegay gacan ku haynta xerada deegaanka Ilbaq ee dhacda inta u dhaxaysa degmada Balcad iyo deegaanka Qalimow.
Xeradan ayaa gacanta ciidamada mujaahidiinta soo gashay kaddib markii ay halkaasi isaga carareen maleeshiyaadkii Riddada ee xeradaasi daganaa.
La wareegitaanka ciidamada mujaahidiinta ee xerada Ilbaq ayaa kusoo beegmaysa xilli ay mujaahidiintu horumarro dhanka maamulka ah muddooyinkii u dambeeyay ka sameynayeen degmooyinka iyo deegaannada wilaayada Sh/dhexe.