Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Saaka Aroortii Dagaal Culus oo lagu daahfuray Qarax xoogan ku qaaday Xero Ciidan oo Maleeshiyaatka Dowladda Ridada Federaalka ay ka sameysteen Duleedka Magaalada Marka ee Wilaayada Shabeelada Hoose.
Xeradan Weerarka culus ay ku qaadeen Ciidamada Mujaahidiinta ayaa ku taala Deegaanka Ceel-saliini oo ah deegaan hoostaga Magaalada Marka.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Xerada Ciidan ee Ceelsaliindi, Iyadoo Maleeshiyaatkii Dowladda Ridada ee Xeradaasi ku sugnaay ay noqdeen wax dhintay wax dhaawacmay iyo askar goobta isaga carartay.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gacanta ku dhigay Lix gaari oo isugu jira Noocyada kala duwan ee Gaadiidka Dagaalka, Waxeyna Ciidamada Mujaahidiinta sidoo kale gacanta ku dhigeen Ganiimo kala duwan oo Hub ah.
Calamada.com