Ciidamada guutada qaraxyada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay howlgal culus oo qarax ah la eegteen fariisin ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin xero agoonta oo kutaal degmada Afgooye, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare soo gaaray murtadiinta.
Qaraxan ayaa imaanaya xilli howlgal gaar ah oo saacadihii lasoo dhaafay mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye lagu dilay murtad Maxamed Shariif Gacal, kaasi oo ahaa askari dharcad ah oo ka tirsanaa sirdoonka kooxda Riddada Soomaaliya.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaallo culus oo safmar ah ku qaadeen xeryaha ciidamada kuffaarta Afrikaanta ee degmada Qoryooley iyo duleedka deegaanka Ambareeso ee hoostaga isla degmada Baraawe.