Dalka Haiti waxaa ka dhacay shil gaari oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo Kenyan ah.
Shilkan ayaa yimid markii mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Kenya uu wadada ka baxay kuna dhacay mid kale oo isla kuwa ciidamada booliska ah, xilli ay marayeen waddo ku taalla duleedka magaalada caasimada ah ee Boort-oo-Biriins.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiil Kenyan ah, shilkan waxaa ku dhintay Labo qof oo midi ahaa sarkaal ka tirsan booliska Kenya, halka qofka kale uu kasoo jeeday dalka Haiti.
Wararka ayaa intaa ku daraya in shilku sidoo kale sababay dhaawaca sideed askari oo ciidamada booliska Kenya ka tirsan, iyadoona saddex ka mid ah dhaawacyadu yihiin kuwa halis ah.
Ciidamadan booliska ah oo qeyb ka ah boqolaal askari oo ka tirsan hawlgalka waxa loogu yeerro Qaramada Midoobay ayaa dalka Haiti la geeyay sanadkii lasoo dhaafay, bishii Febraayo ee sanadkan 2025 ayayna ahayd markii askari ka tirsan ciidamada Kenya ay kooxo burcad ah ku dileen gobol ka tirsan dalkaasi.