Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgalka gobolka Laamu oo ka mid ah dhulalka muslimiintu leeyihiin ee ku hoos-jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, waxay howlgal culus oo qarax ah la beegsadeen gaari Kooyal ah oo qori dhashiika ah ku rakibanyahay.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in baabuurka la qarxiyay ay la socdeen ciidamo ka tirsan saliibiyiinta Kenya, kaasi oo kasoo baxay magaalada Kinyuunga ee gobolka Laamu, waxaana uu kusii jeeday magaalada Sankuura ee gobolkaasi kutaal.
Howlgalkan qaraxa ah oo Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, ayaa waxaa ku dhintay ilaa laba askari oo ka tirsanaa kuffaarta Kenya, waxaa sidoo kale howlgalka lagu gubay gaariga Kooyalka ah ee ay mujaahidiintu qarxiyeen, waxaa la gubtay qorigii Dhashiikaha ee Kooyalka saarnaa.