Ciidamada guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay howlgal culus qarax la eegteen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan saliibiyiinta Kenya, kuwaas oo ka baxay Buurta Koomoole waxayna sahay u doonteen dhanka magaalada Kiyuunga ee gobolka Laamu.
Howlgalka qaraxa ayaa kolonyada saliibiyiinta Kenya si gaar ah ugu beegsaday agagaarka Buurta Jaajaaley oo sidoo kale ku dhow xad_beenaadka, waxaana halkaas ka dhashay khasaare gaaray saliibiyiinta la qarxiyay.
Ilo wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijinaya in qaraxu si gaar ah u haleelay gaari Kooyal ah oo uu qori dhashiike ah saarnaa, goobta ayuuna ku basbeelay, waxaa sidoo kale ku dhintay darawalkii gaariga waday, khasaaraha nafeed na intaas waa uu ka badanyahay.
Dhanka kale, waxaa sii kordhay khasaaraha maleeshiyada Riddada ku gaarayh howlgal ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen duleedka deegaanka Tardo ee bariga wilaayadda Hiiraan, waxayna dhimashadu gaartay ilaa lix askari halka dhaawacana uu marayo 6 kale oo murtadiin ah.
Waxaanu helnay magacyada qaar ka mid ah maleeshiyaadkii murtadiinta ee lagu dilay howlgalkii mujaahidiintu ka fuliyeen duleedka Tardo, waxayna kala yihiin murtad Muuse Maxamed Gees, Maxamuud (Qoor-qalooc), Xasan Waasuge Beyr iyo Abshir Garaad Xasan Jiis.