Ciidamada guutada madaafiicda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Baay, waxay saacadihii lasoo dhaafay madaafiic culus ku garaaceen Airport-ka degmada Buurhakaba oo saldhig u ah ciidamada xabashida Itoobiya.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in xilliga duqeyntu dhacaysay ay garoonka taagneed diyaarad siday askar ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Riddada oo dhanka Muqdisho ka timid si dirqi ah ayayna ku badbaaday diyaarada.
Dhanka kale waxaa duleedka degmada Buurhakaba laga helay maydad hor leh oo qeyb ka ah maleeshiyadii Riddada ee lagu laayay dagaalkii ciidanka mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta ku dhexmaray halkaasi, ilaa sagaal askari oo murtadiin ah ayaa la helay maydadkooda.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyeen afaafka hore ee deegaanka Mubaarak ee wilaayada Sh/hoose kaasi oo ay la beegsadeen ciidamada kufaarta Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Uganda, waxaana howlgalkaas lagu dilay 4 askari oo saliibiyiin ah halka lagu dhaawacay 7 kale, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu soo qaniimeysteen 3 qori oo kala ah AK47 ah, RPG ah iyo PKM.
Dhanka Hiiraan, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar ku mireen isbaaro maleeshiyaadka murtadiinta ah u tiillay bariga magaalada Beledweyne ee wilaayada Islaamiga Hiiraan, illaa iyo haddana tirakoob rasmi ah lagama hayo khasaaraha Riddada kasoo gaaray howlgalkan.