Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ciidanka Itoobiya Oo Diyaarad Ciidan Oo Ka Timid Muqdisho Ka Celiyay Garbahaarey.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Itoobiya Oo Diyaarad Ciidan Oo Ka Timid Muqdisho Ka Celiyay Garbahaarey.

November 23, 2024

Ciidamada xabashida ee gacanta ku haya garoonka diyaaradaha magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, ayaa maanta is hortaag ku sameeyay diyaarad millatari oo sidday wafdi ka socday kooxda Riddada Soomaaliya iyo masuuliyiin kale, taasi oo kasoo kicitantay magaalada Muqdisho.

Diyaaradda waxaa lasoo wariyay inay sidday wafdi ka socday xafiiska ra’iisul wasaaraha kooxda Riddada, murtad Xamze Cabdi Barre iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Riddada gobolka Gedo ee taabacsan kooxda Xassan Gurguurte.

Saraakiisha ciidanka Itoobiya ayaa taliskooda Baydhaba u sheegay inaysan damaanad qaadi Karin amniga wafdiga kooxda Riddada soo diray ee maanta la doonayay in laga dajiyo Garbahaarey, maamulka Axmed Madoobe wasiir u hadlay ayaa tilmaamay inay iyagu is hortaag ku sameeyeen wafdiga maanta lagu waday in uu ka dego Garbahaarey.

Wasiirka wazaaradda arrimaha gudaha maamulka Axmed Madoobe murtadka lagu magacaabo Maxammed Oogle ayaa madal uu ka hadlayay ka sheegay in wafdigaas ay ku guuleysteen inay ka celiyaan Garbahaarey, waxa uu intaas ku daray in ujeedka wafdiga ka socday murtadiinta Muqdisho uu ahaa inay doorasho ka dhan ah maamulkiisa ku qabtaan magaaladaasi.

Waziirka u hadlay maamulka Kismaayo ayaa sheegay in diyaaradda maanta laga celiyay xarun goboleedka Gedo ay tahay mid ay leeyihiin ciidanka Atmis ee kuffaarta ah, ayna soo kiraysatay kooxda Riddada.

Dhanka kale wazaaradda amniga maamulkaasi ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay digniin ugu dirtay hayadaha urur gaaleedka Qaramada midoobay iyo ciidanka ATMIS, si gaar ahna in diyaaradahooda loo adeegsado waxay ugu yeertay qalqalgelinta doorashooyinka ay wataan.

Kooxda Riddada Somalia ayaa dhankeeda maanta si adag uga hadashay iska hor’imaad maanta ka dhacay Kismaayo oo u dhaxeeyay ilaalada musharax ay wadato dowladda Riddada, kaas oo lagu magacaabo Ilyaas Gaboose iyo sidoo kale maleeshiyada Axmed Madoobe, kaasi oo ka dhacay aagga Hotel Agan ee Kismaayo.

Murtad Fartaag oo ugu magacaaban kooxda Gurguurte wasiirka amniga ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in Axmed Madoobe uu weeraray Ilyaas Gaboose, dhimasho iyo dhaawana ay ka dhasheen weerarka uu qaaday, waxa uu ka digay in maleeshiyada maamulkaasi loo adeegsado siyaasadda.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -21-05-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -22-05-1446-Hijri.

Related Stories

Dhagayso Muxaadaro Ku Saabsan Fadliga 10-ka Dambe Ee Ramadaan Iyo Sh Fu’aad.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Muxaadaro Ku Saabsan Fadliga 10-ka Dambe Ee Ramadaan Iyo Sh Fu’aad.

March 10, 2026
Dhagayso Xalqada 12-aad Taxanaha Siirada Nabiga Oo Ay Ku Sugan Yihiin Duruus Iyo Cibar.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Xalqada 12-aad Taxanaha Siirada Nabiga Oo Ay Ku Sugan Yihiin Duruus Iyo Cibar.

March 9, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-09-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-09-1447-Hijri

March 9, 2026

Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada