Ciidamo huwan ah oo isugu jiray kuwa saliibiyiinta Maraykanka iyo maleeshiyaadka uu ku adeegto ee Bangaraafta Riddada, ayaa weerar habeen-dheelmad ah ku qaaday deegaanka Hargeysa-yareey oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe.
Sida ay xogtu tibaaxayso ciidamadan huwanta ah ayaa dhibaatooyin kala duwan ka geystay Hargeysa-yareey, haweenay ka tirsanayd dadka degganka ayaa la sheegay in ay ku dhex-dileen gurigeeda, waxa kale oo jira qof kale oo shacab ah oo ciidamadan huwantu ay weerarkaasi ku dhaawaceen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamani ay madaafiic hoobiyeyaal ku garaaceen xaafad ka tirsan magaalada Jilib, waxaana inta la xaqiijiyey waxaa duqaymahaasi ku dhaawacmay 4 qof oo shacab ah, kuwaas oo la sheegay in dhaawacyadoodu ay fudud yihiin.
Dadka dhaawacmay oo lagu daaweynayo cisbitaalka guud ee magaalada Jilib, ayaa isugu jira labo ruux oo haween ah, gabar yar iyo nin rag ah.
Ciidamada mujaahidiinta oo fashiliyay isku dayada saliibiyiinta Maraykanka iyo maleeshiyada Riddada ayaa saqdhexe ee xalay qarax la beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen maleeshiyada Riddada Bangaraafta, kuwaas oo marayay deegaan ka tirsan wilaayada Jubbada dhexe.
Qaraxaas ayaa lagu gubay gaari ay wateen maleyshiyaadkaasi, waaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo cadowga soo gaaray.