Howlgal qorsheysan oo ciidamada mujaahidiintu galabta ka fuliyeen deegaanka “Ilcad” ee hoostagta Yasooman ayay Allaah fadligiis kula wareegeen deegaankaasi, waxayna kala eryeen maleeshiyaadkii Riaddada ee halkaasi ku sugnaa.
Howlgalkan qorsheysan waxaa Allaah fadligiis lagu dilay hal askari oo murtad ah, waxaana sidoo kale laga soo furtay qori iyo boosh, halka sidoo kalena lagu dhaawacay mid kale, murtadka weerarka lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Muumin Dhagaweyne.
Howlgalkan galabta lagula wareegay deegaanka Ilcad ee hoostaga Yasooman ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii ina dhaafay sidan oo kale mujaahidiintu gacanta ugu dhigeen deegaannada kala ah Abdhaare, Cusable-Hute iyo Dirow-waa oo hoostaga isla Yasooman, kaddib markii weerar lagu ekeeyay maleeshiyaadkii halkaas ku sugnaa.