Sida uu shaaciyey telefishanka Yahuudda ee Kan 11, madaxweynaha maamulka gaallo-raaca Somaliland murtad Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa qorshaynaya booqasho rasmiya oo uu doonayo inuu ku tago magaalada Talaabiib ee xarunta u ah maamulka Sahaayinada.
Ilo ku sugan Somaliland oo telefishanka Yahuuddu uu soo xigtay ayaa sheegay in muddada uu murtad Cirro booqashada ku jooga dhulka uu xoogga ku haysto maamulka Yahuudda uu si rasmi ah ugu biiri doono heshiisyada Ibraahiimiyada.
Waxa kale oo Kan 11 uu ka sanqariyey in C/Raxmaan-Cirro uu sidoo kale saxeexi doono heshiisyo kale oo laba geesood ah oo ku saabsan dhinacyada beeraha, macdanta iyo saliidda, amniga, kaabayaasha dhaqaalaha, dalxiiska, iyo kuwo kale.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in booqashada murtad Cirro ay dhici karto ku dhawaad toban cisho ka bacdi. Isagoo telefishanku sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu horey booqasho qarsoodiya ugu tagay maamulka Yahuudda.
Xogtu waxa kale oo ay tibaaxday in dhinaca maamulka Yahuuddana laga xaqiijiyey in ay socdaan wadahadallo si loo diyaariyo booqashada madaxa maamulka Riddada Somaliland, inkastoo weli aan la cayimin taariikhda rasmiga ah ee Cirro uu ku degi doona Talaabiib.
Jimchii lasoo dhaafay ayay ahayd markii R/Wasaaraha Yahuudda Binjamin Netanyahu uu maamulka daba-dhilifka ee Somaliland u aqoonsaday dal ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale, tallaabadaas oo bulshadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ay si weyn uga dhiidhiday.