Waxaa la baahiyay muuqaal lagu soo bandhigayo geel ay wareejiyeen odayaasha iyo waxgaradka beesha Xawaadle oo ka mid ah beelaha muslimiinta ah ee dega wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan.
Muuqaalka waxaa kasoo muuqanaya waxgaradka beesha Xawaadle oo geela ku wareejinaya munaasabad ka dhacday deegaanka Nuur Fanax ee bariga Hiiraan, waxayna xoolahaasi ku wareejiyeen ciidamada mujaahidiinta ah ee furinta hore ku sugan, waana markii labaad oo ay beesha Xawaadle muddo bil gudaheed ah xoolo ku wareejinayso ciidanka mjaahidiinta, waxayna ballan qaadeen inay sii wadi doonaan garab istaagooda ciidamada difaacaya shareecada Islaamka.