Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa maanta baahiyay muuqaalka farriin ka socota askari murtad ah oo ka tirsan maleeshiyo murtadiin ah oo dhowaan lagu weeraray deegaanka Cadaan Laxey ee wilaayada Sh/dhexe, halkaas oo ay mujaahidiintu la wareegeen.
Weerarkaas waxaa lagu qabtay laba askari oo murtadiin ah, waxayna Kataa’ib Al-ikhbaariyah baahisay muuqaalka mid ka mid ah maxaabiistaasi murtadiinta ee dagaalkaasi lagu qabtay, wuxuuna ka warbixinayaa sida gacanta loogu dhigay iyo jabka barqadaas ku dhacay maleeshiyada Riddada.