Diyaaradaha dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka ayaa duqeeyay Shirkadii korontada ee deegaanka Kuunya Baroow ee wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose.
Shirkadaan ayaa korontada siinaysay kumanaan qoys oo ku dhaqan magaalada Kuunyo Baroow iyo nawaaxigeeda. Maraykanka ayaa sidaan oo kale dhawaan u duqeeyay warshad soo saarta biyaha nadiifka ah oo ku taallay degmada Saakoow. Arinkaas ayaa loo arkaa cuuryaamin dhaqaale oo ay Maraykanku ku samaynayaan shacabka Soomaaliyeed xilli ay wadanka ka jirto dhibaatooyin abaaro ah.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.













