Mu’assasada Al-Kataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee mujaahidiinta, ayaa baahisey sawirro cusub oo lagu soo bandhigayo qaniimadii ciidamada mujaahidiintu kusoo qaniimeysteen weeraradii cagmarinta ahaa ee ay ciidanka mujaahidiintu ku qaadeen saldhigyada murtadiinta ee duleedka degmada Warsheekh ee wilaayada Sh/dhexe.
Weerarkan oo ciidamada mujaahidiintu ku xasmiyeen ilaa 4 xero oo ay degganaayeen maleeshiyaad murtadiin ah oo isugu jira kuwa murtazaqada Danab, Gorgor, Special Forces iyo kuwo kale oo ashaamud ah, ayuu taliska ciidamada mujaahidiinta si horudhac ah u xaqiijiyay in lagu dilay 21 murtad iyo dhaawaca 11 kale.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Qaniimada.



















