Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Daawo+Akhriso: Muqaawamada Oo Fashiliyay Isku Day Ay Samaysay Yahuudda.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal
  • Warar

Daawo+Akhriso: Muqaawamada Oo Fashiliyay Isku Day Ay Samaysay Yahuudda.

December 9, 2023

Kooxaha muqaawamada Falastiin ayaa shaaciyay inay fashiliyeen isku day ciidanka Yahuuddu ku doonayeen inay kusoo furtaan askari maxbuus ah oo gacanta ugu jira kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta, ee dagaalka adag kula jira Yahuudda sida xoogga ah lagu dajiyay deegaannada muslimiinta.

Kooxaha muqaawamadu waxa ay soo saareen warbixin ay la socdaan muuqaallo iyo sawirro cadaymo ah oo muujinaya sida dagaalyahanada kooxaha wax iska caabinta Falastiin u fashiliyeen isku dayga ciidanka Yahuudda.

Warbixinta kooxaha wax iska caabinta waxaa lagu sheegay in la fashiliyay weerarka ay ciidamada Yahuudu kusoo qaadeen goobta uu ku xirnaa maxbuus askari Yahuudi ah, kaasi oo lagu magacaabi jiray Saacir Baruukh oo 24 sano jir ah, waxayna intaas ku dareen in si adag looga hortagay isku dayga cadowga.

Muuqaalkan waxay kooxaha wax iska caabintu kusoo bandhigeen bakhtiga askariga Yahuudiga ah oo ku baxay gacanta ciidamada halganka adag kula jira Yahuudda iyo goobta ay weerarka kusoo qaadeen ciidanka suhyuniyiinta ah, kuwaas oo doonayay inay furtaan askariga oo Nool, marka toogashada maxbuuska laga soo tago waxaa dhanka ciidanka soo weerar tagay ee Yahuudda ah soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxa la daawan karaa raadadka fashilka iyo guul-darada ee ay goobta kaga tageen maleeshiyaadkii Yahuudda ee sameeyay isku daygaasi, dhiigga ciidamadii doonayay inay furtaan askariga Yahuudiga ayaa si wayn u buuxdhaafiyay guriga uu ku xirnaa maxbuuskaasi, sidoo kale waxaa la arki karaa agabyada ay ka carareen ciidamada gumeystaha iyo hubka looga furtay howlgalkaasi la fashiliyay.

Horudhaca muuqaalka ay faafiyeen kooxaha wax iska caabinta Falastiin waxaa lagu daawan karaa askariga lagu dilay howlgalkan fashilmay ee ay ciidanka Yahuuddu ku doonayeen inay kusoo furteen, waxaana askarigaasi uu sheegay in uu ka mid ahaa dadka 7-dii Octoober laga qabtay deegaanka Bi’ri, muddo 40 maalmood ahna uu ku jiro gacanta muqaawamada, uuna doonayay inuu dib ugu laabto gurigiisa, blasé ay ciidamada Yahuuddu isku dayeen inay xoog ku furtaan balse la fashiliyay lana dilay isaga iyo dhowr askari.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka.

https://twitter.com/ShehabAgency/status/1733195905283600807

Ama Hoos Ka Daawo Sawirrada.

 

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -25-05-1445 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -24-05-1445 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -30-07-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -30-07-1447 Hijri.

January 19, 2026
Xabaal-wadareedyo Lagu Duugay Tahriibeyaal Afrikaan Ah Oo Laga Helay Liibiya.
  • Allposts
  • Warar

Xabaal-wadareedyo Lagu Duugay Tahriibeyaal Afrikaan Ah Oo Laga Helay Liibiya.

January 19, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-07-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-07-1447-Hijri.

January 19, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada