Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa markab xamuul ah oo ka soo shiraacday magaalada Jamnagar ee gobolka Gujarat ee dalka Hindiya, kaasi oo uu dab ka kacay isagoo ku sugan dekedda Subhashnagar ee magaalada Porbandar.
Dabka ayaa isniintii qabsaday markabkan, waxaana goobtaasi gaaray 3 gaari oo dab-demis ah, waxaana markii ay xaaladdu sii xumaatay loo jiiday badda dhexdeeda.
Markabkan oo magaciisa lagu sheegay Haridasan ayaa kusii jeeday Boosaaso, waxaana iska leh shirkadda HRM & Sons oo fadhigeedu yahay Jamnagar.
Badeecadda saarnayd markabkan ayaa lagu sheegay inay ahayd Bariis xaddigiisu dhannaa 950 tan iyo Sonkor xaddigeedu dhannaa 100 tan.
Sida ay sheegayaan warbixinnadu, ololka ayaa sii xoogeystay, kaas oo sababay in markabka laga fogeeyo dekedda si looga hortago dabka oo ku faafa dekedda iyo maraakiibta kale ee u dhow.
“Dab-damiska ayaa ka soo badbaadiyay 14-ka shaqaale ee markabka gubanaya, ka hor inta aysan u jiidin dhinaca badda sare. Tani waxay ahayd in la sameeyo maadaama dabku isu bedelay mid aan la xakameyn karin sababtoo ah shixnadda gubanaysa.” Ayaa laga soo xigtay saraakiisha dab-damiska.