
Amaaduu Shariif oo ah Suldaanka qowmiyadda muslimiinta Fowlaani ayaa warbaahinta u sheegay in dabku uu ka kacay madarasada qur’aanka lagu barto xilli ardayda iyo macallimiinta ay hurdayeen.
Musiibadan waxaa ka badbaaday hal Macallim iyo hal arday iyadoona Meydadka muslimiinta oo gubtay goor dambe laga daad gureeyay xarunta dabku ka kacay, illaa iyo hadda lama oga in dabku si dabiici ah u qabsaday madarasada iyo in dadka nasaarada ah ee wadankaas ku badan ay mas’uul ka ahaayeen.
George Weah oo ah madaxweynaha Liberia ayaa sheegay in uu ka xunyahay wixii dhacay wuxuuna amar kusiiyay wasaaradda arrimaha gudaha in ay baaritaan dheeri ah ku sameyso sababta dabka dhalisay.
Muslimiinta ku nool wadanka Liberia ayaa gaaraya 25% waana sunniyiin balse sanadadii dambe ayay la kulmayeen cadaadis dhan walba ah oo uga imaanayay dadka Nasaarada ah.