Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 7 tahriibeyaal ah oo kasoo jeeda Itoobiya ayaa dhintay, halka dad kale oo badanna ay soo wajahday xaalado caafimaad oo aad u daran, markii dooni ay la socdeen ay kula cilladowday xeebaha dalka Yeman.
Warbixin ay sii deysay waxay ugu yeeraan hay’adda socdaalka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo (IOM), ayaa lagu sheegay in doonida qaribantay ay kasoo shiraacatay xeebaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Hayaddaaasi waxay warbixinteeda ku sheegay in doonidaasi ay siday 250 qof oo tahriibeyaal Itoobiyaan ah, kuwaas oo la filayay inay socdaan 24 saac oo safar badda ah, balse qorshahan ayaa si kadis ah isku beddelay, markii ay cillad la kulantay doonida, waxayna dhalisay in safarka uu qaato muddo hal toddobaad ah.
Intii ay doonidu safarka ku jirtay waxaa dhintay sida hay’addu sheegtay ilaa 7 qof oo kasoo jeeda Itoobiya, waxaana isbuuc kaddib ay doonidii ku xiratay xeebaha mandiqadda Carqa ee dhacda koonfurta waddanka Yemen.
Waxay tani kusoo beegmaysaa xilli maalmo ka hor maydkooda la helay 54 qof oo tahriibayaal ah oo ka yimid Itoobiya, kuwaas oo dooni ay la socdeen ay kula degtay xeebaha Yeman, wararkii ugu dambeeyay ayaa dhimashada gaarsiinaya 92 xubnood.