Tiradada dalka Mareykanka ugu dhintay cudurka Carona Virus ayaa ka gudubtay nus malyuun ruux xilli cudurkaas uu si xowlli ah ugusii faafayo 50-ka gobol ee wadankaasi uu ka koobanyahay.
Tirakoob rasmi ah oo shalay soo baxay ayaa muujinaya in dadka Carona ugu dhintay dalka Mareykanka ay ka gudubtay nus malyuun ruux.
Dadka American-ka ee Covid19 uu dilay ayaa gaaraya 500 kun iyo 100 ruux sida ku cad tirakoob ay sameysay jaamacadda Johns Hopkins.
100 kun oo kamid ah dadka uu Carona legday ayaa dhintay wixii ka dambeeyay 20-kii bishii Janaayo xilligaas oo Joe Biden uu lawareegay talada Mareykanka.