Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaal culus ku qaadeen Saldhigyada iyo Fariisimaha Ciidamada Shisheeye iyo Maleeshiyaatka Kabo qaadka u ah ay ka sameysteen Magaalada Marka ee Wilaayada Shabeelada Hoose.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa dhowr jiraha ka weeraray Xarumaha Kufaarta iyo Murtadiinta, Iyadoo dhawaaqa rasaasta Dagaalka si aad ah looga maqlayay Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Marka iyo deegaano kale oo ka tirsan Shabeelada Hoose.
Inta la xaqiijiyay Dagaalkan waxaa lagu dilay Toban ka tirsan Maleeshiyaatka Murtadiinta Lix kalane waa lagu dhaawacay oo ah isla Maleeshiyaatka Dowladda Ridada.
, Dagaalkan ayaa dhacay Xilli Magaalada Marka uu ku suganyahay Murtad Lafta Gareen oo ah Madaxweynaha Maamulka Gaala Raaca isku magacaabay Konfur Galbeed kaasi oo cabsi xoogan ay soo wajahday.
Dhanka kale Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dagaal culus ku qaaday Saldhiga Shisheeyaha iyo Maleeshiyaatka Dowladda Federaalka ay ka sameysteen Deegaanka Bariire oo dhaca duleedka Degmada Afgooye ee Wilaayada Shabeelada Hoose.