Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dagaal xoogan ku qaaday mid ka mid ah Saldhigyada Maleeshiyaatka Murtadiinta ay ka sameysteen Gudaha Magaalada Beledweyne ee Wilaayada Hiiraan.
Dagaalkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay Saldhiga Murtadiinta ee Bartamaha Beledweyne, Waxaa dagaalkaan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhawaaqa Rasaasta dagaalka ayaa si aad ah looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee Magaalada Beledweyne, Waxaana jirta khasaara maleeshiyaatka Ridada Hirshabelle lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.
Dhanka kale waxaa sii kordhaya Khasaaraha Ciidamada Saliibiyiinta Kenya lagu gaarsiiyay Weerar Labo Maalin ka hor Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen Deegaan ka tirsan Dhulka NFD ee ku hoos jira Gumeysiga Dowladda Saliibiyadda Kenya.
Weerarkan ayaa lagu dilay 11 askari oo Kenyaati ah waxaana lagu dhaawacay Labaatan Meeyo isla askarta Saliibiyiinta Kenya ah, Afar Gaarina waa laga gubay Dowladda Kenya.
Calamada.com