Ciidamo hubeysan oo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar xooggan ku qaaday saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ay ka samaysteen degmada Jalalaqsi ee wilaayada Hiiraan.
Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Mujaahidiinta Xaq udirirka ah iyo maleeshiyaadka maamulka ashahaada la dirirka ah ee Hirshabeelle ayaa ka dhacay gudaha saldhigga bari ee degmada Jalalaqsi.
Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in dagaalka ay dhaawacyo culus ku noqdeen 3 askari oo murtadiin ah, waxayna sidoo kale Mujaahidiintu si buuxda ula wareegeen guud ahaan saldhigga bari ee degmada Jalalaqsi.
Dhanka kale ciidamada Mujaahidiinta waxay silsilado weeraro ah ku qaadeen saldhigyada Kufffaarta iyo murtadiinta ee Afgooye, Calamada, Ceelasha biyaha, Sabiid, Bariire, Kudhaa iyo Baarsan guuni oo ka wada tirsan wilaayaadka Sh.hoose iyo Jubbooyinka.
Dagaalkii ka dhacay Baarsanguuni waxaa ku dhintay hal askari dhawaacuna waa hal kale.
Calamada.com