Wilaayada Hiiraan oo dhacda bartamaha dalka Somalia waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab iyo askarta Xabashida Itoobiya.
Dagaalkan waxey ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen saldhiga ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen deegaanka Halgan ee Wilaayada Hiiraan, Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal culus.
Dhawaaqa rasaasta dagaalka ayaa si aad ah looga maqlayay deegaano badan oo ka tirsan Wilaayada Hiiraan, Waxeyna dadka deegaanka xaqiijiyeen in dagaalka dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen askar ka tirsan Xabashida Itoobiya.
Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli Saacadihii lasoo dhaafay xaafadda Saneey ee magaalada Kismaayo qarax lagula beegsaday maleeshiyaatka maamulka Murtad Axmed Madoobe, Iyadoo qaraxa uu sababay dhimashada iyo dhaawaca tiro askar ah.
Halkan Ka Booqo Pag-ka Calamada Ee Telegram-ka.
Calamada.com